Skip to main content
menu

Tilmaamaha Daryeelka Mudada Gaaban ee La Buuxinayo

“Tilmaamaha Daryeelka Mudada Gaaban” waxaa loogu talo geley inay ka caawiso shakhsiyaadka, qoysaska iyo daryeelayaasha kale inay u diyar garoobaan isbadallada aan la filaynin ee kumeel gaadhka ah, ama rasmiga ah ee daryeelka dadka laxaadka la. Waxaa markii hore la sameeyay intii lagu jiray COVID-19, laakiin waxa uu noqon karaa waraaqo muhiim ah oo loo isticmaali karo isbadallada la qorsheeyey ee daryeelka ama kuwa sida lama filaanka ah usoo baxa ee ay sababaan masiibo, xanuun, dhimasho daryeele, ama isbadal kale oo daryeelka ah. Tilmaamaha waxaa lagu sheegey macluumaad muhiim ah oo ku saabsan caafimaadka qofka, macluumaadka jadwalka maalinlaha ah iyo ka shakhsiyeed.

Tilmaamaha waxaa loogu talo geley in la buuxiyo oo ay barbar socdaan kala guurka “Muuqaalka Kooban”. Muuqaalka Kooban ee Ardayga waxaa la sameeyay iyada oo la iska kaashanayo Dalada Autism Intervention Network on Behavioral Health (AIR-B) Waxaa maxsuulkan maalgeliyay Health Resources Services Administration (HRSA) lambarka abaalmarinta UA3 MC11055 HRSA PI: Kasari. Muuqaalka kooban waxaa kamid ah macluumaad muhiim ah oo ku saabsan doorbiditaanka qofka, qaababka xidhiidhka, iyo rabitaanada.

Labada waraaqadood waxaa loogu talo geley in qofka laftiisu uu buuxiyo (sida, qofka ay lasoo daristo isbadalka daryeelka) iyo daryeelihiisa wakhtigan. Marka la buuxiyo, waraaquhu waxa ay noqon karaan waraaqo la siin karo bixiyaha daryeele cusub ama kumeel gaadh ah, si looga caawiyo in ay fahmaan qaabka ugu wanaagsan ee kala guurka ay taageero u geysan karaan.

Tilmaamaha diyaarinta waraaqahan:

  • Buuxi LABADABA Tilmaamaha iyo Muuqaalka KoobanBuuxiyo adiga oo la adeegsanayo PDF la buuxin karo ama waxa aad daabacan kartaa oo aad ku qori kartaa sanduuqyada.
  • Xaqiiji in qofka laftiisu uu ku lug leeyahay ilaa inta macquulka ah samaynta labada waraaqadood.
  • Waxa aad la wadaagtaa waraaqaha la buuxiyey daryeelayaasha kumeel gaadhka ah ee suuragalka ah wakhti hore oo waxa aad u dul martaa si shakhsi ahaana, hadii ay macquul tahay, si aad u xaqiijiso fahanka tilmaamaha.
  • Waxaad dib u booqataa waraaqaha sanad kasta si aad u cusboonaysiiso macluumaadka iyo mar kasta oo uu jiro isbadal wayn oo macluumaadka ah
  • Waxa aad haysaa nuqul elektoroonig ah, marka laga tago nuqullada daabacan
  • Waxa aad ku haysaa nuqul faylka daryeelka qofka ama goobta ay yaalaan waraaqaha qoyska ee muhiimka ahi
  • Waxa aad ka qayb gelisaa koox balaadhan si ay uga caawiso bixinta macluumaadka waraaqaha hadba sida ay daruusiga u tahay (sida, macalimiin, qaraabo, walaalo)
  • Waxa aad isla eegtaan isticmaallo dheeraad ah oo tilmaamaha ah (sida, marka daryeelayaasha kowaad ay fasax ku maqan yihiin)